Maxkamada gobolka banaadir oo wax dembi ah ku weysay dhowr agaasime

0
108

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay mas’uuliyiin ay ku jiraan agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Maxkamadda ayaa ku dhowaaqday in wax dambe ah lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan maqane ah.

Sidoo kale waxaa isna dambi lagu waayay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna maqane ah, sida ay ku dhawaaqday maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir.

Saddexdan mas’uul oo dhammaantood dalka isaga baxay kadib eedeyntaan musuq ee loo jeediyay ayaa la fasaxay maanta, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda, maadaama lagu waayay dhammaan eedeymihii cuslaa ee loo soo jeediyay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan ayaa sidoo kale faray hay’adaha ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiintan inay usoo celiyaan xuquuqdooda sharci, maadaama dambi lagu waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here