Madaxweynaha dalka kenya oo sheegey hadey atmis somaliya ka baxdo iney la wareegi doonaan alshabab

0
446

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la wareegi doonto awoodda Soomaaliya, haddii Midowga Afrika uu kala baxo ciidamadiisa dhammaadka sannadkan.

Isagoo ka hadlayay booqasho uu ku tagay dalka Mareykanka, ayaa hoggaamiyaha Kenya waxa uu ku baaqay in Washington ay u istaagto sidii looga hortagi lahaa xaalad la mid ah Afgaanistaan oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

“Maanta, Kenya waxaa dib u celinaya caqabadaha amni ee Geeska Afrika. Kahor inta aanan halkan imaan sabtidii, waxaan xiriir la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ina heysata caqabado dhanka ammaanka ah, sababtoo ah dhimista ATMIS,” ayuu yiri Ruto.

“Mawqifkayagu waa in Maraykanku uu soo farageliyo oo uu beddelo jihada uu ku socdo, haddii kale ciidamada ATMIS waa bixidoonaan, argagixisaduna way la wareegi doontaa Soomaaliya. Uma maleynayo inay taasi qofna dani ugu jirto,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya.