Wareegto kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha oo degmooyin cusub lagu aqoonsadey

0
398

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku aqoonsaday in degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay noqonoyaan Garasbaaley, Daarusalaam iyo Gubadleey.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ay ka mid noqdeen degmooyinka rasmiga ah ee gobolka Banaadir, isagoona xusay in degmooyinkaan aqoonsiga helay iney soo buuxiyeen shuruudaha degmonimo ee looga baahan yahay.

Wuxuu sido kale sheegay Afhayeenka maamulka gobolka in qorshaha lagu aqoonsaday sadaxdaan degmo iney soo socotay mudo dheer, islamarkaana uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu lahaa soo jeedinta in degmooyin loo aqoonsado Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley.

Munaasabad looga dhawaaqaayay aqoonsiga sadaxdaan degmo ayaa Xalay ka dhacday magaalaga Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahayeen Wasiirka arrimaha Gudaha, Wasiirka arrimaha Dibadda, gudoomiyaha gobolka Banaadir, ku xigenadiisa iyo waliba guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.