Hay’ada maareynta iyo masiibooyinka oo ka digtey duufaano ku food leh xaabaha somaliya

0
461

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay loogu magacdaray 𝗟𝗮𝗹𝘆, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda, ayaa lagu sheegay, cabsida ugu weyn ee laga qabo duufaan inay tahay, in ay geysato burbur hantiyeed. Waxay hay’addu si gaar ah walaac uga muujisay degaanada xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto.