Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadan-nimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka taasoo kor u dhaaftay 120 qof tan iyo bishii January.
10,647 xaaladood oo cusub oo cudurka Daacuun ah ayaa laga soo sheegay toddobo gobol oo kamid ah Soomaaliya, taasoo ka dhigan heerka dhimashada kiisaska cudurka Daacuunku inuu gaaray 1.1 boqolkiiba.
OCHA waxa ay intaa ku dartay in roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka la filayo in ay uga sii daraan cudurka Daacuun caloolaha oo markii horeba si aad ah uga dilaacay meelaha qaar.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamtay cudurka daacuunka ee ka dillaacay Soomaaliya inay sabab u tahay tirada sii kordhaysa ee dadka, kuwaasoo aan haysan biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan.
