Gudoomiyaha xisbiga himilo oo sheegay in dalka ka qabsoomi karin doorasho aan heshiis lagu eheyn

0
591

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku howlan yahay awood marooqsi uu ugu gogol xaarayo muddo kororsi iyo doorasho uu kaligiis maamulayo.

Shariif Sheikh Axmed oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed uu soo saaray xisbigiisa, waxaa uu ku sheegay in aysan dalka ka qabsoomi karin doorasho aan loo dhamayn, isagoo madaxweynaha Soomaaliya uga digay inuu dalka u horseedo qalalaase siyaasadeed.

Shariifku wuxuu ku baaqay in saamilayda siyaasadda ay ka heshiiyaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, sidoo kalena ay dowladdu fara galinta ka dayso doorashooyinka kusoo wajahan dowlad goboleedyada.