Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka tirsan golihiisa wasiirada

0
506

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirada maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay isbeddalkan oo saameeyay illaa 6 wasaaradood oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa magacaabay illaa 6 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen, sida lagu caddeeyay wareegtada.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

1- Ibraahin Aadan Cali (Najax) waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed

2- Cabdulqaadir Yuusuf Cabdinuur ayaa loo magacaabay cadaaladda Koonfur Galbeed

3- Maxamed Ibraahim Nuur ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda horumarinta reer Miyiga iyo adkeysiga.

4- Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose.

5- Cabdullahi Maxamed Aadan waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

6- Cabdulqaadir Ibraahim Cabdullahi ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta reer Miyiga iyo adkeysiga.

Sidoo kale waxaa la faray wasiirada cusub inay si deg-deg ah ula wareegaan xilal ka loo magacaabay, ayna dardar-geliyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.