Madaxweynaha oo magacaabay gudi qaranka difaaca oo ka kooban 10 xubnood

0
403

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qaran ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxay magacaabistooda ku timid kadib markii madaxweynaha uu arkay baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda difaaca madax-banaanida iyo midnimada dhuleed dalka, sida lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo ay heshay Caasimada Online.

Guddigan qaran ayaa waxaa Iskuduwe looga dhigay Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Caynte, sidoo kale waxaa xubno ka ah; Maxamed Cismaan Jawaari, Yuusuf Garaad Cumar, Dr’s Maryan Qaasim Axmed, Cali Xaaji Warsame oo wasiir hore oo Puntland ah iyo Ciif Maxamed Beddel.