Shirka golaha wadatashiga oo ka furmey magalada muqdisho

0
588

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhoweyd ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, kaasi oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda heer federaal iyo heer maamul-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salah Jama, madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

Shirkaan ayaa wuxuu imaanaya xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaa ka qeyb-geli doonin shirkan.

Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka.