Siyaasadaha is diiden ee ku saleysan daneysi iyo xil jaceyl ayaa keenaya in kooxba halka ay danteeda ka argot iney dan moodo iyado oo laga tegayo qaranimada umada somaliyeed hadaba waxaan rabaa in aan ku cabiro siyaasada caqabadaha hor yaala Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed cabdicasiis Lafta-gareen iyo saadasha muqata dhowr qodob ayan u kala qadayaa anigoo wareysiyo badan la sameyay shacabka KG iyo Dowlada Federalka iyo Mamulka Puntland, iyo sidaad ku aragteen Video malmahan dhex marayey baraha bulshada kana hadlayay khilafka Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen soo kala dhaxgalay. Hadaba aan ku bilawno
- 1- Madaxweyne Lafta-gareen sidu ku yimi waan la soconaa uma baahna in aan is xusisineyo. Laftagareen Intuu xukunka hayay waxa ay si bareer cad ah ugu takri faleen masiinkii shacabka koonfur galbeed isaga iyo Adeerkisa General shub iyo qoyskisaba gaar ahaan reer Mahad iyo Reer Lafta-Gareen.
- 2- Intuu Xilka hayay wuxuu ku xad gudbay wax ala wixii ka dhaxeeyay umada KG gaar ahaan dhaqaalaha iyo mashaariicdii loogu tala galey in laga hirgeliyo dhamaan deegaanada maamulka koonfurgalbeed.
- 3- Madaxweyne Laftagaree Intuu xilka hayay wuxu uu si bareer ah ugu xadgudbay dhaqankii soo jireenka ahaa iyo dhamaan qabaa’ilada ay ka kooban yihiin KG isaga oo awood buuxda u sheegtay isla markaana karaama tiray Odayaashii dhaqanka KG kuna sameyay bahdil ay adag tahay in ay kasoo kabtaan, Laftagareen waxaa uu dhaqanka gaarsiiyey in sidii xildhibaano oo kale losoo doorto isla markaasina ay wasaarada arimaha gudaha warqad siiso.
- 4- Intuu xilka hayay wuxuu si bareer cad ah u bahdilay siyaasiyintii Labeenta KG ahaa isagoo intooda badan ka ceyriyay kuraatii Xilibanimo ay tolkooda siyeen xaqna ay u lahaayeen isagoo sidoo kale u af duubay 77 Xilibaan oo koonfur galbeed ku matalayey baarlamaanka federaalka Madaxweynihii Hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isaga Abti u ah isla markana u boobey kuriga maamulka koonfur galbeed Dadna ku dilay Dadna Xabsiga u taxaabay ilaa uu Madaxweyne Xasan sheikh kaso Daayo.
- 5- Lafta gareen Intuu xilka hayay wuxuu uu beeciyey dhamaan deegaanada xorta ah ee ka tirsan gobolka shabelaha hoose gaar ahaan Degmada Af-gooye iyo Baraawe dhacdadii hada u danbeysay oo aheyd in Baraawe inuu Dhul baxadweyn uu yirahdo waa dan-guud isaga oo ka qaadaya dhulkaas dad shacab ah oo u dhashey deegaanka isla markaana u yabaahaya wiil asaga la dhashay oo lagu magacaabo Adan Lafta gareen, gudoomiyaha Barlamka Federalka Sheikh Adan Madoobe ,Bashiir Abgalow ,Adan Saran Soor, Mumino oo uu hogaminayo Dr.Go iyo Gudomiye gobolka Mohamed Bare oo iyaguna shirkada ku jira.
- 6- Intuu xilka hayay majirto wax hormar ah oo laga sameyn Gobalka Shabellaha Hoose balse waxaa taasi u dheer in gobolka shabelaha hoose uu noqodo isha keliya ee canshuuraha ugu badan laga ururiyo taasoo lagu kala qeybsado madaxtooyada ku meel gaarka ah ee maamulka koonfur galbeed xarunteedana tahay magalada baydhaba. Waana dulmiga ugu weyn ee Gobalka Shabellaha Hoose laga galo.
- 7- Madaxweyne lafta gareen intaasi waxaa u dheer ku tagri falka awooda maamulka isaga oo qorkuu dono xiraya qofkuu doonana u diidaya inuu soo galo magalada baydhaba iyo run ahaantii dhibaatoooyin badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin ALLAHA subxaana watacaala dadka haka qabto, waxaan filayaa in Reer KG ay diyaar u yihiin in ay iska qabtaa dulmiga aan dhamaadka laheyn ee uu ku hayo shacabka masaakiinta ah.
Intaa hadaan kaga boxo dhibaatooyinkii uu shacabka u geystey hadase aan waxaan u guda galayaa damaciisa maxaa uu yahay fursada uu doonayo in uu xukuka sii hayana intey la eg tahay.
Lafta gareen dhawaan waxaa uu magacaabi doonaa gudoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur galbeed isaga oo diidanaa inuu magacaabo mudo haatan laga joogo 2 sano, kadibna uu kala diro baarlamaanka maamulka koofurgalbeed shaqsiga uu isaga keensan doonana uu noqdo kusimaha Gudomiyaha Barlamanka KG ahna kusimaha Madaxweynaha KG inta laga doranayo Madaxweymaha KG.
Intaa kadibna waxaa u qorsheysan in uu isaga gacantiisa kusoo xusho xilibada uu u arko iney yihiin kuwo asaga u adeega hadba halkii uu doonana u jiheyn kara Been-mashegayaasha. Intaa kadibna Odaygii diida inuu warqada u saxixo shaqsiga uu wato Lafta-gareen laga talo baxayo lana sameysanayo Oday kale. Kadibna sidaa uu isaga isugu caano shubo Rabi ma oran.
Cabdicasiis laftagareen waxuu uu caqabad wey kala kulmi doonaa Madaxweynaha dowlada fedraalka Xasan Sheikh oo u arko in Lafta-Gareen caqabad haysata Mamulkisa, Dib u doorshada lafta gareen Mustaqbilka koonfur galbeed waxaa ay saldhig u noqoneysaa Madaxweynihii Hore Farmaajo maadaama uu lafta gareen yahay shaqsi si weyn ugu xiren farmaajo.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa sidoo kale isku haleynaya Madaxweyne Dani tasina caqabad ayaa ka imaneysa waayo Madaxweyne Dani wuxuu aminsan yahay Laftagareen haduu fursad helo wuxuu jenayaa Farmaajo Madaxweyne Dani wuxuu ku qasban yahay inuu qofkale soo dhistaa garab siiyaana si 2026 garab ugu helo KG.
Hadaba sidaan wararka ku heleyso waxaa socda wada hadalo hoose oo u dhaxeeya Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed gaar ahaan odayaasha kazoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose ayna quus ka joogaan Mamul danbe ee laga mamula Bay iyo Bakool maxaase la gudboon.
Sida aan warar hoose ku maqalnay waxey ka shaqeynayaan iney gabi ahaanba ka go’aan Mamulka Bay iyo Bakool waxaana hada sii dhameys tiray Dhibaatada Dhul boobka ah oo ay reer Mirifle ka wadaan degmooyinka Baraawe iyo Af-gooye kaasoo ay hor kacayaan siyaasiyiin waaweyn oo kazoo jeeda gobolka bay iyo bakool oo uu ugu horeeyo Sheikh Adan Madoobe iyo Adan LAfta-gareen.
Xogo aynu ka heleyno Odayasha dhaqanka Shabeelaha hoose aya ainoo sheegaya iney kala guureen iyaga iyo Mamulka Madaxweyne Lafta-gareen. Marka la eego Siyaasiyiinta kazoo jeeda gobolka Shabellaha hoose mar hore ayey quus ka muujiyeen Mamulka Laftagareen.
Waxaa kaloo intaasi dheer in Madaxweyne Xasan Sheikh uu si cad ugu shegay in ciidamada Ethiopia ee dalka ku sugan asaga baxaan dhaman Dalka Somalia taasina ay culeys ku keeneysa Laftagareen.
Isku soo wada duub mar hadii Cabdicasiis Laftagareen uusan garab ka heysan shacabka koonfur galbeed marka laga reebo koox yar uu isaga sameystey, Siyaasiyintiina kala Guureen Odayaasha Dhaqanka KG mar hore la aasay, Madaxweyne Xasan Sheikh na is hayaan, Madaxweyne Sicid Dani aysan isku siyasad aheyn Farmaajo laga dhax arkayo Lafatagareen mexey noqon kartaa fursadiisa mana suuroowdaa inuu sahaydiisa ka qaato Madaxweyne Hassan Sheikh.
Koonfur galbeed siyaasi wax garad ah qadiyadna leh ilaahay ha u keeno
Qore:- Jabriil Qaasin
jabriil262@gmail.com
