Madaxweynaha dowlada federaalka oo gelinkii dambe ee shaley gaarey magalada dhuusamareeb

0
381

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynaha.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa maxaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay dardar galinta iyo dhameystirka wajiga kowaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan xoogiisa ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkii tagay dhamaadkiisii mudo ku siman laba bilood ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb oo uu ka hagaayay dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana haatan muuqaneysa in howlgalada oo mudo hakad ku jiray markale uu madaxweynaha Soomaaliya dib u dardar galinaayo.