Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga digey dowlada Itoobiya inay isku daydo inay dhul ay leedahay Soomaalida aysan ku qaadan doonin si sahlan oo fudud balse dhiig badan ku daadan doono.
Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalaa Muqdisho ayaa ka sheegay in dhulka Soomaaliyeed aan lagu qaadan karin hees,hanjabaad iyo baqbaq.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay qowmiyada Oromada inay tahay tan dooneysa dhulka Soomaaliyeed,qowmiyadaha kale ee Itoobiyana aysan ka mid ahayn kuwa dhulka Soomaaliya doonaya.
“Oromoy sidee u fekereysaan waa waalateen dib u fekera, amxaaro way naga fogtahay dadka soo yaacaya dhulka oo dhan sheeganaya waa Oromo ninka hadda madaxda u ah oo sheegaya in seylac qaadanayo waa Oromo, na daaya itoobiya na dhaaf Oromoy.”
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegeen in shacabka ku nool Somaliland ay madaxdooda sireen,ayna ku hogaamiyeen meel qaldan.
