Dowlada itoobiya oo sheegtey iney cadaadis kala kulantey heshiiska ay la gashay maamulka somaliland

0
257

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Addis Ababa ay wajaheyso cadaadis caalami ah oo ku wajahan in ay ka noqoto heshiiskii is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibbada ahna raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa sheegay inkastoo ay wajahayaan cadaadisyo caalami ah, haddana wuxuu ku celceliyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dhaqan galinta heshiiska ay la gashay Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, China, Masar, Saudi Arabia iyo dalal kale ay taageereen midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan digniin culus ka soo saaray heshiiskaasi, wuxuuna ku hanjabay inay Soomaaliya ku difaaci doonto baddeeda wax kasta oo ay ku heli karaan.