Ciyaartooyda maamulka Koonfur Galbeed ee qeybta ka ahaa tartanka Kubadda Cagta maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa saakay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib markii lagu guul dareystay dadaalo la doonayay in lagu baajiyo safarka Ciyaartooyda Koonfur Galbeed.
Safarka ciyaaryooyda Koonfur Galbeed ee saakay dib ugu laabteen Baydhabo ayaa imaanaya, kadib markii Wasiirka Ciyaaraha maamulkaas uu shaaciyay laba maalin ka hor iney isaga baxeen tartanka, islamarkaana gabi ahaan aysan dib dambe uga soo qeyb gali doonin tartankaan oo kale.
Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciyaartoydooda ayaa si weyn uga carooday weerarkii dhagxaanta loo adeegsaday ee lagu qaaday baskii ay saarnaayeen ciyaartoyda, iyadoona dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah Ciyaartooyda Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xiriirka Kubadda Cagta iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waday dadaalo lagu celinayo Ciyaartooyda, hayeeshee maamulka iyo wasaarada ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa iska diiday iney ciyaaraan kulanka u harsanaa.
