Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka oo markii ugu horeysey si adag uga hadley heshiiska somaliland iyo itoobiya

0
411

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay heshiiska badda ee ay Somaliland lasoo gashay dowladda federaalka ee Itoobiya.

Jawaari ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isagu saxiixay heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay inuu ku kacay Khiyaano Qaran oo weyn.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa soo qaaday waxa uu arrintan ka qabo xeerta ciqaabta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Khiyaanadu xukunkeeda uu yahay dil.

“Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu qorayaa qof alla qofkii gobonimada Soomaaliyeed qayb kamid ah ama kulligeeda hoos geeya dowlad kale oo ajnabi ah wuxuu ku kacay Khiyaano Qaran, xukunkeedana waxaa waayey dil” ayuu yiri guddoomiye hore Jawaari.

Waxa kale oo uu tilmaamay in kiiskan uu ku cad-yahay madaxweyne Biixi, isaguna uu qiraal ka yahay, maadaama uu shaaciyay heshiiska badda ee uu la galay Abiy Axmed.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay in Muuse Biixi lala aado dhanka sharciga, isla markaana loo jaro waaran soo qabasho ah, kadibna sidaas lagu maxkamadeeyo.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Somaliland oo uu ugu baaqay inay ka horyimaadaan damaca Itoobiya iyo tallaabada culus ee uu qaaday madaxweynahooda.