Qaar ka tirsan xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed oo si adag uga hadley falkii shaley lagula kacay ciyaartoyda koonfur galbeed

0
382

Xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii shalay qabtay xulka Koonfur Galbeed oo weerar culus lagu qaado markii ay soo dhammaatay ciyaartii ay la lahaayeen dhiggooda Galmudug.

Xildhibaanadda ayaa si weyn uga carooday falkaasi oo ay ku tilmaameen in markii labaad lagu beegsaday ciyaarahannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdirashiid Jiley oo madasha ayaa ka hadlay ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkaas oo si xun loogu dhaawacay qaar kamid ciyaartoyda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay gudbinayaan mooshin ka dhan ah wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, si loogula xisaabtamo falkaasi.

Waxaa kale oo uu si weyn u eedeeyay hay’adaha amniga oo uu tilmaamay inay dayaceen amniga ciyaartoyda Koonfur Galbeed ee lagu dhibaateeyay garoonka bannaankiisa.