Mareykanka oo soo dhaweeyey shir madaxeedka igad oo dhici doona jan 18

0
298

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay shir madaxeedka IGAD oo dhici doona 18-ka bishan Janaayo, kaasoo looga hadli doono heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageerada uu Maraykanku u hayo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dalka Jabuuti oo hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in uu furmayo shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya iyo xaaladda Suudaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jabuuti ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in shir madaxeedkan uu ku baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sidoo kale ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, waxaana 18-ka Janaayo 2024 martigelinaya madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.