Madaxweynaha oo maanta booqdey xarunta taliska ciidanka xooga dalka

0
309

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxweynaha Qaranka warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sida ciidamada xoogga ay diyaar ugu yihiin sagaalka dalka loogu sifeenayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka, waxa uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku-xigeenka Ciidamada dhulka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda hogaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.