Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galey dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii uu Cabdicasii Laftagareen is hortaagay qorshe ay wadatay dowladda dhexe oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab.
Warar aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in qilaafkani uu salka ku in dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidamo badan geyso deegaanada Koonfur Galbeed, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa sababta uu u diidan yahay ciidankaan iyo in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab waxaa lagu sheegay cabsi uu ka qabo in deegaanada maamulkiisa ay awood badan ku yeelato dowladda dhexe, maadaama ay geyneyso ciidamo xoog leh oo la doonayo inay Shabaab ka xoreeyaan.
Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka oo lagu soo tababaray Masar, Eritrea iyo Uganda ay dowladdu geyso K/Galbeed, si ay u xoojiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ka dagaalama Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.
