Wasiirka arimaha gudaha oo sheegey in maalinta khamiista la qaban doono bananbax looga soo horjeedo xadgudubka dowlada itoobiya

0
412

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka jawaabtay dalabkii shacabka, ayna ayiday in beri oo Khamiis ah la qabtao dibad-bax ka dhan ah dowladda Itoobiya, kadib xadgudubkii ay u gaysatay qaranimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Addis Ababab loogu saxiixay Abiy Axmed meeshii ugu muhiimsanayd ee badda Soomaaliya, ayna tahay xadgudub weyn.

Sidoo kale wuxuu wasiirku intaasi kusii daray “Taasi waxay ka dhigan tahay xagdub qaranimada Soomaaliya iyo madax bannaanideeda”.

Wasiirka ayaa xusay in bannaan-baxa beri dhici doona uu yahay mid aad u ballaaran, ayna ka qayb-galayaan reer Muqdisho iyo madaxda Soomaaliyeed.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in la xiri doono goobaha waxbarashada iyo ganacsiga, si loo muujiyo cududa shacabka Soomaaliyeed.