Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay talaabooyin Somaliland ay kula kacday qaar ka mid ah dadkii ka horyimid heshiiskii badda ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu dhawaan Adis Ababa kula galay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay isku dayada ay ku af qabaneyso Somaliland Warbaahinta iyo dadka ku nool gobolada Waqooyi.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.
Warka kasoo baxay Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in caburinta Somaliland ay ku hayso Wariyaasha iyo dadka deegaanadaas ee ka horyimid heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed inuu yahay xadgudub labaad.
Hay’adaha amaanka Somaliland ayaa looga digay iney qaadaan talaabooyin la xariira dhaqan galinta heshiiskii xadgudubka ahaa ee Somaliland la gashay Itoobiya oo la tilmaamay iney keeni karaan xaalado halis ah.
