Dowlada jabuuti oo markii ugu horeysay ka hadley heshiiska itoobiya iyo somaliland

0
362

Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay khilaafka culus ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiis bilawgii bishan Adis Ababa ku dhexmaray Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Jabuuti oo war qoraal ah kasoo saartay damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ku aadan dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur gobolleedka IGAD.

Warkaan kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Itoobiya ay rajo weyn ka qabto iney hesho dhul badeed iyo saldhig milateri oo laga siiyo xeebaha Somaliland, taasi bedelkeedana ay dowlad rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Talaabada Itoobiya iyo Somaliland ay qaadeen ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxda sare ee dowlada Fedaraalka, Xukuumada iyo labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya iyo waliba dalal badan oo ka mid ah Caalamka.