Madaxweynaha dowlada federaalka oo gaarey magalada asmara

0
352

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Villa Somalia ayaa ujeeddada safarka ku sheegtay mid shaqo, balse kama aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, waxaana kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada. Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha uu Asmara ku sugnaan doono laba maalin.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea waxay sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka ee danta ugu jira labada dhinac.

Safarka ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka dhex-oogan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Addis-Ababa ay heshiis is-afagarad oo muran dhaliyey ay la saxiixatay Somaliland.