Midowga yurub oo ku baaqay in la ixtiraamo madax banaanida dalka somaliya

0
375

Midowga Yurub ayaa garab istaagay in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhaliyay la saxeexatay Somaliland.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya siinaya fursad ay ku hesho Deked Badda Cas ah iyo Saldhig Milatari oo ay kireystaan.

War saxaafadeedka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay jeclaan lahaayeen in ay xasuusiyaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa Talaadadii wacad ku martay inay difaaci doonto dhulkeeda maadaama ay ku tilmaantay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland mid gardaro ah.