Golaha wadatashiga qaranka oo soo saarey go,aano ay kaga soo horjeedaan heshiisa muuse biixi iyo abiy axmed

0
293

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay shir deg-deg ah ka yeeshay heshiiskii badda ee lagu saxiixay Addis Ababa, kaas oo dhex-maray madaxweymaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda Zoom-ka, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay heshiiskii Addis Ababa, waxayna madaxdu kasoo saareen illaa 5 qodob, sida lagu caddeeyay war-murtiyeedka.

Ugu horreyn goluhu wuxuu kasoo horjeestay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay inuu xadgudub ku yahay Soomaaliya, maadaama qayb kamid ah baddeeda ka siiyay dowladda Itoobiya.

Golaha ayaa sidoo kale taageeray qaraarka xukuumadda Soomaaliya iyo xeerka baarlamaanka ee ku aadan heshiiskaas ee shalay soo baxay.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan reer Somaliland ugu baaqay inay midoobaan, kana soo horjeestaan heshiiska Addis Ababa.