Banaanbax looga soo horjeedo heshiishka itoobiya iyo maamulka somaliland oo haatan ka socda magalada muqdisho

0
340

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa haatan ka socda banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan iney hesho 20KM oo ka mid ah Biyaha Soomaaliya.

Banaanbaxa oo bilaawday subaxnimadii hore ee saakay ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, wuxuuna si gaar ah uga socda Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium.

Ciidamo aad u farabadan ayaa taagan wadooyinka muhiimka ah, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya sugida amaanka guud ee dibadbaxayaasha.

Qeybaha kala duwan ee shacabka reer Muqdisho ayaa ka qayb qaadanaya banaanbaxa, kuwaas oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah damaca Itoobiya ee heshiiska Somaliland kula gashay iney hesho qeyb mid ah Badda Soomaaliya.