Kulankii baarlamaanka oo maanta u baaqdey kooram la,aan

0
340

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga carooday in kulamada Baarlamaanka ay u baaqdan kooram la’aan.

Waxa uu sheegay in ay ceeb ku tahay Baarlamaanka in 275 Xildhibaan laga waayo xataa 140 Mudane oo soo xaadirta kulankii maanta, uuna sidaas ku baaqday.

Waxa uu ka dalbaday Xildhibaannada maqan in soo xaadiraan kulamada Golaha Shacabka, ayna dhowraan dhaartii, “Umadii shalay dooratay oo iyaguna kitaabka Ilaahay ugu dhaarteen inay shaqeynayaan oo waajibaadkooda fushadaan oo soo xaadiraan ayaa u jeedineyna.”

Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in kulankii maanta ee Golaha Shacabka uu u baaqday kooram la’aan, isaga oo u mahad-celiyay Xildhibaannadii koobna ee soo xaadiray.