Musharaxiinta Mucaaradka ee u taagan xilka Madaxweynimada Puntland ayaa ku dhowaaqay in aysan aqoonsaneyn liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Musharaxiinta Mucaaradka oo shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa waxay been abuur ku tilmaameen liiska soo baxay, iyaga oo sheegay in xulista Xildhibaannada aysan marin habraacyadii rasmiga ahaa, ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbin araajididii saxda aheyd.
Sidoo kale waxaa lagu yiri “Musharaxiinta waxay kale oo cadeynayaan in aysan doorasho ku galayn liiska sharci-darrada ah ee soo baxay.”
Musharaxiinta Mucaaradka ayaa uga digay madaxweyne Deni in uusan maamulka u horseedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana uu isagu qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.

