Madaxweynaha dowlada federaalka oo si adag uga hadley heshiiska dowlada itoobiya iyo maamulka somaliland

0
313

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka, ayaa ku tilmaamay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin oo kasoo horjeeda Qaanuunka caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin cid kamid ah Soomaaliya oo awood u leh inay bixiso cad kamid ah biyaha Somaaliya.

Madaxweyne Xasan Shekh ayaa sidoo kale farriin u diray maamulka Somaliland, isagoo u sheegay in aysan dowladda Itoobiya siin karin aqoonso caalami ah idii.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya inay fara galinta ka joojiso Soomaaliya. Wuxuu sheegay waxa kaliya ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxayn kara uu yahay in ay nabad kuwada noolaadaan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay faragalin Itoobiya ay horey ugu sameysay Soomaaliya inay dhashay soo bixitaankii Alshabaab.