Dowlada somaliya oo loo ansixiyey 100 milyan oo doolar oo noqoneysa deyn cusub ah

0
85

Guddiga sare ee IMF ayaa si rasmi ah u ansixiyay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo.

Dayntaan cusub ayaa waxay ku dhisan tahay horumarka ilaa hadda la gaaray, oo ay ku jiraan Barta dhamaystirka dayn cafinta Soomaaliya, iyo dib-u-habaynta lagu xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah.

Hay’adda IMF ayaa sheegtay, taageerada dhaqaale iyo kobcinta joogtada ah ee ka imaanaya saaxiibada caalamiga ah oo la siinayo Soomaaliya, in ay tahay lama huraan si loo taageero dadaallada dib-u-habaynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

IMF waxay sheegtay bishii Nofembar in ay heshiis horudhac ah la gaareen dowladda Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsanaa in dalka la siiyo $100 milyan oo doolar, oo dayn ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda dowladda.

Go’aanka Guddiga Fulinta ee ansixinta barnaamijka cusub ayaa la qaatay, ka dib markii dhawaan lagu dhawaaqay in deymihii ugu badnaa laga cafiyay Soomaaliya.