Alshabab oo lagala wareegey deegaano hoostaga koonfurta gobolka mudug

0
100

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Camaara iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamada is garab sanaya la wareegeen ayaa kala ah Jeex jeex iyo Buurta Yacgoos, waxaana la sheegay in halkaasi uu dagaal khasaare geystay ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka lagula wareegay deegaanadaan ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanadaan oo la sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay isku aruursanayeen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada is garabsanaya waxay sheegeen in dagaalka lagula wareegay deegaanada Jeex jeex iyo Yacgoos khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab, hayeshee maysan shaacin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.