Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun khadiijo diiriye oo ku geeryootey dalka jabuuti

0
77

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Allah ha u naxariistee, waxaa goordhow magaalada Jabuuti ku geeriyootay wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Wasiirka ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jabuuti, oo ay u tagtay ka qeyb-galka shir sanadle ah oo halkaas uu ku qabto Machadka Heritage.

Wararka ayaa sheegaya in Khadiija ay maanta qalliin ku gashay dalka Jabuuti, ayada oo la qorsheynayey in loo qaado dalka Turkey, balse waxay ay geeriyootay waxyar kahor markii la rabay in la qaado.