Reysulwasaare Xamsa oo safar ku tegey dalka jabuuti

0
84

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti.

Sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha, safarka Xamza Cabdi Barre ee dalka Jabuuti ayaa ku aadan ka qayb-galka shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage, oo ka qabsoomaya dalkaasi.

Madasha ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, taasi oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka Heritage oo sanadle loo qabto ayaa waxaa inta badan lagu soo bandhigaa doodo cilmi ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaaliya, siyaasadaha saameynta ku leh Soomaaliya iyo Soomaalida iyo qodobo kale.