Hey’adaha xuquuqul insaanka oo mareykanka ku cadaadinaaya inuu wax ka bedelo duqeymaha uu ka fuliyo somaliya

0
96

Mareykanka ayaa waxaa lagu cadaadinaya in uu wax ka beddel ku sameeyo duqeymaha cirka ee uu ka geysto gudaha Soomaaliya, kadib kororka khasaaraha rayidka ah.

In ka badan 20 hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga kamid ah ayaa ka dalbaday wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibanayaasha duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

Hay’addahan ayaa weydiistay wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka in ay il gaar ah ku eegto codsiyada qoysaska ehelladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Maraykanka uu ka geysto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay hay’addahan xuseen in saraakiisha Mareykanka ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Mareykanka.

Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa waxaa lagu muujiyay kiisas badan oo waxyeelo rayid ah, kuwaasi oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay xaqiijisay dowladda Mareykanka.