Madaxweyne ku xigeenka puntland oo dani ku eedeeyey keli talisnimo

0
305

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa ‘keligii talisnimo’ ku eedeeyey iyo awood marooqsi’ Madaxweyne Deni.

Tani waxa ay imanaysaa xilli laysku-mari la’yahay muddo-kororsi sannad ah oo ay Baarlamanku samaysteen ka dib guddoonkii isimmada SSC-khaatumo, iyada oo Guddoonka Baarlamanka & Karaash ay taageersan yihiin muddo-kororsiga.

Axmed Karaash oo deegaan ahaan SSC kasoo jeeda ayaa dhinaca kale wixii dhibaata ah ee ka dhalata go’aanada aan lagula mideysneyn ee uu soo saara madaxweyne Deni uu isaga qaadayo mas;uuliyada wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhashay.

Aragtiyo is diidan ayaa hareeyey fadhiga baarlamaanka Puntland, guddoonka ayaa doonaya in la buriyo go’aankii Maxkamadda Sare, ee ay shalay ku fasirtay in Mudo kororsigii goluhu sameysteen uusan sharciyad haysan.