Gudoomiyaha gobolka banaadir oo kulan la qaatey dhigiisa magalada doha

0
338

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xariirka labada dhinac, dardar-gelinta heshiiska mataaneynta labada Magaalo iyo taageeridda horumarinta caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Doha kala hadlay qorshayaasha hortabinta u leh dowladda hoose ee Muqdisho oo ay ugu horeyso wax ka qabashada bullaacadaha, qorshaha dib-u-hagaajinta magaalada, wax ka qabashada nadaafada iyo helida gaadiidka culus ee loo adeegsado nadaafada, dab-damiska iyo adeegyada deg-dega ee bulshada.

Duqa magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kasta oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargalin lahaa qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.