Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay sadax haween ah oo guri ku yaala degmada Waabari ku balamiyay wiil dhalinyaro ah dabadeedna ka duubay muqaal iyagoo jirdilaya.
Mid ka mid ah sadaxda haweenka ee jirdilka u geystay ninkaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu xiriir kala dhaxeeyay, taasoo ku balamisay guriga kuna sii diyaarsatay labada kale oo haween ah si ay ula jirdilaan.
Waxay ka duubeen wiilkaan dhalinyarada ah muqaal dad badan ka caroodeen oo muujinayay iyagoo garaacaya wiilka, kaasoo saacadahii lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada ee Internetka.
Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee ragga inta dumarka balamiyaan hadana garaacayaan iyaga oo muuqaal ka duubaya ayaa kusoo badanayay mudooyinkii dambe gudaha dalka, waxaana meelaha ay ka dhaceen ka mid ah magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.
