Ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyey deegaano hoostaga degmada waajid

0
372

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ku yaala Koonfurta degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo la sheegay in mudooyinkii dambe halkaas ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaayay guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260-aad ee Onkod Macalin Aadan, kuwaas oo Warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalada lagu burburiyay Saldhigyadii kooxdu ku laheyd deegaanka Dhurey.

Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay haatan diyaar u yihiin ka qeybgalka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka bilaaban doona dhawaan deegaanada Koonfur Galbeed.