Madaxweynihii hore ee maamulka hirshabeele oo loo magacabaay ku xigeenka xoghayaha guud ee igad

0
327

Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle u magacaabay ku xigeenka xoghayaha guud urur goboleedka IGAD.

Soo jeedinta magacaabidda ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, waxaa gudbiyay wasiirka arrimaha dibbada ee dalka Jabuuti, ahna shir guddoonka golaha wasiiradda IGAD.

Tallaabadan Maxamed Cabdi Waare loogu magacaabay ku xigeenka xoghayaha fulinta ee IGAD, ayaa noqonaysa mid kor u qaadaysa maqaamka Soomaaliya ee gobolka iyo caalamka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweys ayaa guul weyn ku tilmaamay magacaabidda ku xigeenka IGAD ee loo magacaabay danjire Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna yiri,

Ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, Maxamed Abdi Waare ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu ku biiro hoggaanka IGAD.