Agaasimihii hore ee madaxtooyada oo loo magacaabay xil cusub

0
262

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta wareegto soo saaray ayaa xil cusub u magacaabay agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ninkan u igmday inuu noqdo Lataliyahiisa gaarka ah ee dhameystirka howlaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda, isaga oo kasoo mid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka,

Sidoo kale wuxuu xoghaye guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka magacaabista Xuseen Sheekh ayaa lagu sheegay inay la xiriirto qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay dood ka taagan tahay.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud wuxuu soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May ee sanadkii hore, wuxuuse xilkaas iska casilay horraantii bishii August ee sanadkan aynu ku jirno ee 2023-ka.