Baarlamaanka maamulka puntland oo mudo kordhin hal ah ah sameystey

0
336

Baarlamaanka Puntland ayaa sameystay sanad muddo kororsi hal sano ah iyagoo ka amba qaadaya go’aankii shalay kasoo baxay guddiga isimmada SSC- Khaatumo.

Guddiga Isimmadda SSC- Khaatumo oo ku howlanaa xal ka gaarista khilaafka arrimaha doorashada, ayaa guddoonshay in baarlamaanka haatan jira loogu daro 12 bilood, si ay iyagu u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Baarlamaanka oo saakay loo qeybiyay go’aanka isimmada, ayaa meel mariyay muddo 12 bilood ah, iyagoo sheegay in lifaaqa uu soo saaray madaxweynuhu uu yahay mid waqtigiisu kasoo dib dhacay, sidaas awgeedna ay iyagu la wareegeen go’aanka arrimaha doorashada.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay inay sii joogaan xilka. Guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu sheegay inuu saacadaha soo socda soo magacaabayo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.