Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa taageeray oo bogaadiyey go’aanka ay maanta soo saareen golaha baarlamaanka Puntland, kaasoo ay ku meel marsadeen muddo kordhin hal sano ah.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in baarlamaanka uu meel mariyay go’aanadii kasoo baxay guddigii dhex dhexaadinta ah ee isimmada SSC- Khaatumo.
Axmed Karaash oo u muuqda inuu la garab noqday guddoomiyaha baarlamaanka, ayaa dhinaca kale madaxweyne Deni ugu baaqay inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey.
Hadalkan ayaa yimid xilli madaxweyne Axmed Karaash iyo xildhibaanada kasoo jeeda SSC- Khaatumo ay yeesheen kulan albaabada u xirnaa oo ka dhacay hoyga Axmed Karaash.
