Xukuumada oo gargaar kala wareegteey dowlada ruushka

0
117

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kala wareegtay dowladda Ruushka gargaarkii ugu badnaa ee loogu talo galay dadka ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha is barbar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Gargaarkaan ay kala wareegtay dowladda Soomaaliya dalka Ruushka ayaa ka kooban 25-kun oo tan.

Safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal, isagoona intaa raaciyay in bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnada gargaarka ah ayaa ka mahadceliyay, isagoona sidoo kale ka dalbaday xukuumadda Moscow iney ugu deeqdo diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan.

Si kastaba ha ahaate dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii gurmad heer caalami ah ugu heli laheyd Shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay daadad iyo fatahaadaha.