Admiral Cabdi Warsame Cismaan oo loo magacaabay taliyaha ciidamada bada somaaliyeed

0
125

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo saartay wareegto ayaa talis cusub ugu magacaabay Ciidanka Badda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya u magacaabay Admiral Cabdi Warsame Cismaan, sida lagu sheegay wareegtada soo baxday.

Wareegtadan ayaa taliyaha cusub lagu faray inuu si deg-deg ah xilka loo magacaabay ula wareego, kadibna uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, uuna dardargeliyo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka dalbaday hay’adaha kale iyo saraakiisha ay quseyso magacaabistaan inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee Ciidamada Badda Soomaaliya.

Admiral Cabdi Warsame Cismaan ayaa ah nin darajada ciidanka ka gaaray ilaa Sarreeye isla markaana waqti badan ka soo shaqaynayay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale Cabdi Warsame Cismaan wuxuu horay usoo noqday taliye xigeenka Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay.