Taliyaha hay’ada nisa oo maanta booqdey suuqa bakaaraha

0
93

Taliyaha hay’addaha nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta si lama filaan ah ku tegay suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaas oo uu ka sameeyey kormeer guud.

Mahad Salaad ayaa u kuur galaya isbaddalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo muddo dheer laga cabanayay amni xumo

Booqashada taliyaha NISA ee Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu hubinayay sida ay ganacsatadu u fulisay amarkii NISA ee ahaa in ganacsatadu xirtaan kaamirooyinka CCTV, si ay u sahlanato ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Inta uu booqashada ku jiray taliyaha waxa uu ku dhex lugeeyay gudaha suuqa, isaga oo gaar gaar u arkay ganacsatada yar yar iyo kuwa waa weyn, si uu u muujiyo isbaddalka amni ee laga dareemayo gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha.