Cali jeyte oo oo digniin u direy alshabab

0
359

Hogaamiyaha Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dib ugu soo laaban hayaan deegaanadii laga xureeyay sanad ka hor.

Cali Jeyte oo goob fagaare ah kula hadlaayay dadka weyne farabadan ayaa wacad ku maray in kooxdu ay ku qaadi doonaan dagaal cir iyo dhul ah, islamarkaana loo baahan yahay dadka suguna deegaanada Shabaab ay joogaan iney isaga soo tagaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Jeyte ayaa noqonaya digniintii labaad oo mudo kooban gudaheed uu u dirayo dadka shacabka ah ee ku nool dhulka Al-shabaab ka taliyaan, isagoona faray iney isaga guuraan deegaan kasta oo kooxdaas ay joogto oo uu xusay inuu yahay bartilmaameed halis ah.

Hogaamiyaha Macawiisleeyda ayaa sidoo kale sheegay in wadada isku xirta Baledweyne iyo Buulaburte ay tahay mid uu isaga xureeyay, islamarkaana aysan jirin wararka sheegaya in Al-shabaab xayiraadii ka qaadeen wadada xiriirisa Beledweyne iyo Buulaburte.