Wasiirka arimaha guddaha oo sheegey in adeegyo cusub dalka laga hirgelin doono

0
129

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa shalay daah-furay shirweynaha 2-aad ee guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah.

Wasiir Fiqi oo hadal ka jeediyay shirweynaha ayaa shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso in sanadka soo socda ee 2024 dalka oo dhan laga hirgeliyo adeeg dad dhigis oo hufan, la iskuna haleyn karo.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu dul istaagay ahmiyadda guddigaan, isaga oo ku booriyay in laga shaqeeyo ka mira-dhalinta qorshahaan, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo dadaallada kel-keli iyo midka wadajirka ah ee socda.

Waxa uu intaas kusii daray “Sababta sidaas aan u leeyahay ayaa ah in xubin kasta oo guddigaan ka mid ah ay hoggaamiso wasaarad ama hay’ad xiriir toos ah la leh adeegga dad-dhigidda. Sidaa daraaddeed, waxaan si xurmad leh kaga codsanayaa xubnaha guddiga in aan xoojinno dadaalkeena, ha noqdo mid keli keli ah ama si wadajir ahba, ku aaddan ka miradhalinta dib-u-hirgelinta adeegga dad-dhigidda.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay hay’adaha caalamiga oo horay taageero uga soo qaatay barnaamijkan in ay sii wadaan shaqada.