Reysulwasaaraha xukuumada federaalka oo maanta gaarey magalada kismaanyo

0
135

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo bulshada.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta xaaladda bani’aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannada maamulka Jubbaland.

Waxaa kale oo uu xooga saari doonaa sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya halkaasi.

Sidoo kale waxaa qorshaha labaad ee safarka ra’iisul wasaaraha uu yahay dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Jubbaland.

Xamza ayaa sidoo kale inta uu joogo Kismaayo sameyn doono xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.