Madaxweynaha dowlada fedraalka somaliya oo sheegey in aan wax wadahadal lala geli doonin alshabab

0
122

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wuxuu meesha ka saaray in wax wada hadal ah uu dhexmari doono dowladda iyo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-Shabaab lagu cirib tiro dagaal, halkii wada hadal lala gali lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab ayna ka xoreeyeen dhul badan oo ay dowladda haatan ka sameysay dib u xasilin qaran.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay markii dowladdu bilowday in ay iskeed ula dagaalanto Alshabaab, in ay xoraysay in ka badan 80 goobood.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay xayirtay oo ay jartay isku xirka Al-Shabaab iyo dhaq-dhaqaaqyadii dhaqaalaha ee kooxda Alshabaab.