Safiirka cusub ee somaliya u magacowdey dalka kenya oo ka hadley howlaha hor yaala

0
99

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo uu dhawaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya,u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilkaas culus ee loo dhiibay.

Danjiraha cusub ayaa marka hore u mahadceliyay madaxweyne Xasan, maadaama uu igmaday shaqo qaran oo weyn, isaga oo ballan qaaday inuu gudan waajibaadkiisa.

Jabriil Ibraahim ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo soo hadal qaaday mad-madowgii soo kala dhexgalay 5 sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu siiyay awood dheeraad ah, taas oo uu ku macneeyay igmasho aan caadi aheyn oo aysan helin safiiradii isaga ka horreeyay.

Danjiraha cusub ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada waddan oo hadda meel wanaagsan jooga, uuna sii hormarin doono.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa muuqda in xiriirka labada dal uu hadda Speed ku socdo anne waxaa la’ii yiri dhinacyada ka gal baasha haynteeda iyo shaqeynteeda”.